OGEYSIIS WAXBARASHO TAKHASUS AH

OGEYSIIS WAXBARASHO TAKHASUS AH

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kaashaneysa Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Islaamka waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelinaysaa furitaanka diiwaan-gelinta Takhasusaatka Mastarada ee soo socda:

Takhasusyada la bixinayo:

  1. Mastarka Dacwada
  2. Mastarka Garsoorka iyo Siyaasadda Sharciga

Faahfaahin Kooban:

  • Nooca Shahaadada: Master Degree (ماجستير)
  • Muddada Waxbarashada: 2 sano
  • Maalmaha Casharrada: Sabti – Khamiis
  • Goobta Waxbarashada: Machadka Sare ee Dacwada & Daraasaadka Islaamka (Masjidka Isbaheysiga Islaamka)
  • Kharashka: Bilaash (Lacag la’aan)

Shuruudaha Guud:

  1. Inuu codsaduhu haysto shahaado heerka 1aad (Bachelor) oo ku saabsan takhasusyada la xiriira (Shareeca iyo Qaanuun – الشريعة والقانون, Shareeca – الشريعة, Qaanuun – القانون, Daraasaadka Islaamka – الدراسات الإسلامية, Dacwa – الدعوة, Fiqhi – الفقه, Usuulul Fiqhi – أصول الفقه, Kitaab wal Sunnah – الكتاب والسنة, Qur’aan – علوم القرآن, iyo  Af Carabi – اللغة العربية).
  2. Inuu codsaduhu kasoo gudbo Imtixaanka Qabuulka.
  3. Inuu soo gudbiyo dukumintiyada shuruudaha ah (Shahaado asalka & nuqul tasdiqsan, Warqad codsi, File, 4 sawir teesaro ah, Aqoonsi, Warqad Dambi la’aan, iwm.).
  4. Inuu la socdo qof mas’uul ah marka uu iman doono is-diiwaan-gelinta.

Dukumintiyada Laga Rabo Ardayga:

  • Shahaadada Jaamacad 1aad (asal & copy tasdiqsan) iyo  HEMIS ID
  • Warqad codsi waxbarasho
  • File/Gal bir leh
  • 4 sawir teesaro ah
  • Aqoonsi shaqsiyeed (Dhalasho/Sugnaan, Kaarka Qaranka, ama Baasaboor)
  • Warqadda Dambi la’aanta (CID)

Goobta & Waqtiga Diiwaan-gelinta:

  • Goobta: Xafiiska Diiwaan-gelinta, Kulliyadda Takhasuska & Cilmi-baarista JUS (Xamar Weyne)
  • Muddada Diiwaan-gelinta: 30/Sept/2025 – 10/Oct/2025
  • Saacadaha: 8:30am – 4:00pm
  • Bilowga Daraasadda: 20/Oct/2025
  • Tirada Ardayda la qaadanayo (Dufcadda 2aad): 200 arday

 

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest