Prof. Dr. Fu’aad Mire Xasan oo Daahfuray Wejiga Ugu Dambeeya ee Tababarka Tababarayaasha Barnaamijka PAIS

Prof. Dr. Fu’aad Mire Xasan oo Daahfuray Wejiga Ugu Dambeeya ee Tababarka Tababarayaasha Barnaamijka PAIS

Guddoomiye Ku xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Fu’aad Mire Xasan, ayaa daahfuray wejiga ugu dambeeya ee Tababarka Tababarayaasha Barnaamijka Maamulka Dadweynaha Talyaaniga iyo Soomaaliya (PAIS) ee waaxyaha Caafimaadka iyo Caddaaladda.

Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeynayaa wajigisa koowaad ee barnaamijka tababarka tababarayaasha (Training of Trainers), kaas oo ujeeddadiisu tahay diyaarinta macallimiin iyo tababarayaal sii tababari doona shaqaalaha Wasaaradaha Caafimaadka iyo Caddaaladda si loo horumariyo tayada adeegyada bulshada iyo hufnaanta maamulka dowladda.

Prof. Fu’aad Mire Xasan ayaa sheegay in caafimaadka iyo caddaaladdu ay yihiin laba tiir oo aasaasi u ah horumarka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in hay’adaha dowladdu u baahan yihiin shaqaale leh hufnaan, karti iyo masuuliyad ka hormariya danta guud tan gaarka ah.

Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray ka qaybgalayaasha oo soo maray heerar kala duwan oo tababar ah, kuwaas oo hadda noqon doona tababarayaasha dufcadaha soo socda, isla markaana sii gudbin doona aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen barnaamijka, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan khubarada Soomaaliyeed iyo Talyaaniga ee door muhiim ah ka qaatay hirgelinta iyo guusha barnaamijkan.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest