Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, ayaa maanta warbixin ka dhageystay, Raktar xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo xubno ka tirsan howlwadeenada Jaamacadda.
Kulanka waxaa looga hadlay barnaamijka Joogtaynta Macalimiinta kaasoo sanadkii lasoo dhaafay Jaamacaddu hirgelisay, iyadoo wasiirka looga warbixiyay heerka uu marayo iyo saameynta uu ku yeeshay tayada waxbarashada Jaamacadda.
Wasiirka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in barayaasha ku shaqeeya heshiiska waqtiga Amin-Buuxa (full-time) si ay u gutaan saacadaha waxbarasho, si loo hubiyo hufnaanta iyo joogteynta waxbaridda ardayda.
Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee Jaamacadda ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ay ku jirto tirakoobka barayaasha, saacadaha ay dhigaan iyo takhasusyada kala duwan. Arintaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo kor u qaadista waxqabadka barayaasha.
Dhanka kale, hormuudka kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi-baarista Jaamacadda ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan barnaamijyada takhasuska ee jaamacaddu bixiso, tirada ardayda dhigata, heerarka Masterka iyo Diplomaha Sare, iyo barnaamijyo cusub oo sanadkan lagu soo kordhiyay. Wasiir Faarax, wuxuu maamulka ku dhiirrigeliyay in lasii ballaariyo takhasusyada, si loo daboolo baahida suuqa shaqada iyo horumarinta aqoonta dalka.
Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkan soo kordhisay barnaamijyo cusub oo tacliimeed, isla markaana lagu guda jiro qiimayn lagu sameynayo Barnaamijka Joogtaynta Barayaasha ku shaqeeya heshiiska Amin buuxa (full-time), si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo joogtaynta waxbarashada sare.